RASMI: Ruushka oo laga saaray taranka Euro 2024

(Yurub) 20 Sebt 2022. Xiriirka Kubadda Cagta Yurub ayaa go’aansaday in laga saaro Ruushka Koobka Qaramada Qaarada Yurub ee Euro 2024.

Go’aanka ayaa yimid kaddib markii kooxaha Ruushka laga mamnuucay dhammaan tartamada UEFA intii lagu jiray xilli ciyaareedkan 2022/23 kaddib colaadda Ukraine awgeed.

Xiriirka kubadda cagta Ruushka ayaa bayaan rasmi ah uu soo saaray wuxuu ku sheegay: “Xulkeena qaranka kama qeyb gali doono isku aadka isreebreebka Euro 2024, kaasoo 9-ka October lagu qaban doono magaalada Frankfurt.”

“Waxaa sabab u ah go’aankii xiriirka kubadda cagta Yurub ee bishii February uu ku joojiyay ka qayb galka xulalka qaranka Russia iyo kooxaha ka qayb galka tartamada lagu qabto dallada UEFA ilaa amar dambe.”

Xiriirka Ruushka ayaa tilmaamay in uu racfaan ka qaatay go’aankii lagu mamnuucay kooxaha Ruushka, balse uu waayay racfaankii ugu horeeyay ee maxkamada ciyaaraha.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close