Manchester United oo qorsheyneysa inay lasoo saxiixato Ramos

(Manchester) 20 Sebt 2022. Wargeyska “The Sun” ee dalka England ayaa sheegay in maamulka kooxda Manchester United ay qorsheynayaan inay la soo saxiixdaan weeraryahanka Benfica Gonçalo Ramos inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga jiilaalka.

Wargeysyada Ingariiska ayaa sheegaya in maamulka Manchester United uu doonayo inuu la soo saxiixdo weeraryahan cusub kaddib markii uu codsaday tababaraha reer Holland ee Eric Ten Hag, oo hadda ah tababaraha Red Devils.

Gonçalo Ramos oo 21 jir ah, ayaa soo jiitay dareenka qof kasta oo xilli ciyaareedkan ah, isagoo dhaliyay 8 gool 12 kulan oo uu la ciyaaray Benfica ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Wargeyska “The Sun” ayaa tilmaamay in Manchester United ay mar hore xiriir la sameysay wakiilada weeraryahanka da’da yar, iyagoo rajeynaya in la gaaro heshiis kama dambeys ah oo ku saabsan ka mid noqoshadiis kooxda bisha Janaayo ee soo aadan.

Everton prepare bid for impressive Benifca striker Goncalo Ramos | UK NEWS TO DAY

Wargeyska ayaa intaa ku daray in Manchester United aysan wax ka badan 25 milyan ginni ku bixin doonin adeega Gonçalo Ramos.

Waxaa xusid mudan in Manchester United aysan ahayn kooxda kaliya ee xiisaynaysa inay la soo saxiixato Gonçalo Ramos, balse sidoo kale Bayern Munich ayaa raadinaysa weeraryahan cusub oo badala bixitaankii weeraryahankii reer Poland ee Robert Lewandowski.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close