Jordan Henderson oo dib loogu soo daray xulka qaranka England & Kalvin Phillips oo…

(London) 20 Sebt 2022. Tababare Gareth Southgate ayaa isbeddel ku sameeyey liiska xulka qaranka England, waxaana uu dib ugu soo daray Jordan Henderson oo uu ku beddelay booskii Kalvin Phillips.

Xiddiga khadka dhexe ee Liverpool, Jordan Henderson ayaa lagu soo daray shaxda xulka qaranka England ee wajahaya Italy iyo Germany.

Waxaa la filayey inuu 32-sano jirkaan maqnaan doono kulammada xulka qaranka England ee soo aaddan, maadaama uu ka maqnaa liiskii 28-ka ciyaaryahan ee uu Khamiistii magacaabay Macallin Gareth Southgate.

Henderson ayaa dhaawac muruqa ah ka soo gaaray kulankii Newcastle United ee dhacay 31-ka bishii Agoosto, taasoo meesha ka saartay kulammadii Liverpool ee ka hor ciyaaraha qarammada.

Iyadoo dib loo dhigay kulankii ay kooxdiisa Liverpool la ciyaari lahayd Chelsea 18-ka September ee Premier League, haddana ma cadda in Henderson uu ku soo laaban lahaa groomada kulanka ka qabsoomi lahaa Stamford Bridge.

Si kastaba ha noqotee, xiddigan 69-ka kulan u saftay Saddexda Libaax ayaa xiddigaha xulka kula biiray xerada tababarka ee St Georges’ Park ka hor tartanka UEFA Nations League.

Arrintan ayaa ku soo aaddan kaddib markii la shaaciyay isbuucaan in ciyaaryahanka khadka dhexe ee Kooxda Manchester City, Kalvin Phillips uu garoommada kaga maqnaan doono muddo dheer dhaawac garabka ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close