Kooxda Barcelona oo isbeddel ku samaynaysa Astaanteeda & Qaabka ay u ekaan doonto oo daaha laga rogay

(Barcelona) 19 Sebt 2022. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa la soo warinayaa inay isbeddel ku samaynayo astaanta naadiga, isla markaana ay dib ugu laabanayso taariikhda, waxaana arrintan ay dhaqangal noqon kartaa laga bilaabo kal ciyaareedka soo aaddan ee 2023/24.

Waxa ay Kooxda reer Spain soo yeelatay taariikhdeeda 10 astaan oo kala duwan, iyagoo astaantooda haatan yeeshay ama la sameeyey sanadkii 2002.

Sida warbixinnadu ay tilmaamayaan waxa ay haatan u muuqataa in Barcelona ay wax ka beddelayso astaanteeda, waxaana ay soo bandhigtay astaantooda cusub oo ah mid dib loogu laabanayo taariikhda naadiga.

Muddo sanado ah Barcelona ayaa isku dayaysay inay sameysato astaan casri ah, balse haatan kooxda reer Catalan ayaa dib ugu laabanaysa asalkeeda si ay u raalli-geliso Jamaahiirteeda asaliga ah.

Waxa ay Astaanta cusub ee Kooxda u ekaan doonaa astaantoodii ay isticmaali jireen 1970-meeyadii, gaar ahaan astaantoodii ay adeegsan jireen kal ciyaareedkii 1974/75.

Naadiga Blaugrana ayaa isticmaashay saddex astaan oo kala duwan sanadihii todobaatameeyadii.

Middii ugu horreysay waxa ay adeegsadeen 14-sanadood ka hor inta aysan beddelin 1974-kii, markaasoo lagu qoray C.F.B, iyadoo haddana tii ku xigtay ay u beddesheen F.C.B.

Inkastoo xuruuftii F.C.B. sideedii lagu daayey, haddana midabkii caddaanka ahaa eek u jiray astaanta ayaa la sii beddelay.

Si kastaba ha noqotee, astaanta cusub ee Barca xilli ciyaareedka danbe waxay yeelan doontaa midab cad halka kubadda midabkeeda uu casaan noqon doono bedelkii uu ka ahaa hurdi ama jaalle qafiif ah, waxaa sidoo kale wareegga astaanta lagu soo kordhin doonaa farshaxan yar.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close