Real Madrid oo saddexada dhibcood ka soo heshay Atletico Madrid oo ay ku booqatay garoonkeeda Metropolitano

(Madrid) 18 Sebt 2022. Real Madrid ayaa saddexada dhibcood ka soo heshay Atletico Madrid oo ay ku booqatay garoonkeeda Metropolitano, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-2, kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda martida ahayd ee Real Madrid.

Daqiiqadii 18-aad Real Madrid ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Rodrygo, kaddib markii uu ka caawiyay Tchouameni.

36 daqiiqo marka ay ciyaartamareysay Valverde ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 0-2 ay ku hoggaamineysay Real Madrid.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 83-aad Atletico Madrid ayaa la timid gool iyada oo uu 1-2 ka dhigay ciyaarta Mario Hermoso.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-2 ay kaga soo adkaatay Real Madrid, kooxda Atletico Madrid oo ay ku booqatay garoonka Metropolitano, ciyaartan ayaa qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka La Liga.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close