Koke oo si cad ugu digay Vinicius Jr kahor kulanka Madrid Derby

(Madrid) 16 Sebt 2022. Xiddiga Atletico Madrid Koke ayaa uga digay Vinicius Jr, inuu isku dayo inuu ka caraysiiyo taageerayaasha Atlético Madrid ee ku sugan garoonka Metropolitano, kulanka la wada sugayo ee Madrid Derby.

Kabtanka kooxda Atlético Madrid ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada Movie Star Plus kahor kulanka Madrid Derby, wuxuu sheegay in suurtagalnimada dabaaldega Vinicius iyo qoob ka ciyaarka, haddii uu gool ka dhaliyo Atletico, ay abuuri doonto dhibaato.

Kabtanka Atletico Madrid ee Koke ayaa inta uu wareysiga ku jiray waxaa la weydiiyay su’aal ahayd:

“Sidee uga falcelin doontaa Metropolitano haddii Vinicius uu gool ka dhaliyo kulanka Derby-ga oo uu u dabaaldego qaabkiisa isla markaana uu sameeyo qoob ka ciyaar?”

Koke ayaa si cad ugu jawaabay, “Hubaal waxaa laga yaabaa inay jiri doonto dhibaato aan waxba ahayn.” Ayuu yiri Kabtanka kooxda Atlético Madrid ee Vinicius Jr.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close