Lewandowski oo farriin diray kaddib guuldarradii Barcelona ay kala kulantay Bayern

(Barcelona) 14 Sebt 2022. Weeraryahanka reer Poland ee Robert Lewandowski, ayaa habeen adag la kulmay kaddib markii ay Barcelona guuldarro kala soo laabatay garoonka Allianz.

Kulankii ugu adkaa kulammadii xalay la ciyaaray ayaa ahaa kan dhex maray kooxaha Bayern Munich iyo Barcelona, iyada oo kooxda reer Germany ee Bayern ay ku adkaatay 2-0, goolasha waxaa u kala dhaliyay Lucas Hernandez iyo Leroy Sané.

Robert Lewandowski oo doonayay inuu hoos u dhigo saameynta guuldarradii ay kala kulmeen Bayern Munich, wuxuu soo dhigay baraha bulshada:

“Waa inaan diirada saarnaa mustaqbalka.”

“Waxay ahayd habeen adag, laakiin hadda waa waqtigii diirada la saari lahaa mustaqbalka.” Ayuu yiri Robert Lewandowski.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close