Barcelona oo si sahlan saddexada dhibcood kaga soo heshay kooxda Cadiz oo ay booqatay

(Spain) 10 Sebt 2022. Barcelona ayaa saddexada dhibcood ka soo heshay kooxda Cadiz oo ay booqatay, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-4, kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Cadiz iyo Barcelona ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 55-aad Barcelona ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay xiddigooda khadka dhexe ee Frenkie de Jong.

66 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Lewandowski ayaa wuxuu ka dhigay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda martida ahayd ee Barcelona.

Ansu Fati oo ay caawin kaga timid saaxiibkiis Lewandowski ayaa daqiiqadii 86-aad wuxuu ciyaarta ka dhigay 0-3 ay ku hoggaamineysay kooxda Barcelona.

90 + 2 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Dembele oo ay caawin kaga timid saaxiibkiis Lewandowski ayaa wuxuu hoggaanka u dheereeyay Barcelona, wuxuuna dheesha ka dhigay 0-4.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 0-4 ay kaga soo adkaatay Barcelona, kooxda Cadiz oo ay ku booqatay Estadio Nuevo Mirandilla.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close