RASMI: Manchester United oo ku dhawaaqday saxiixa Antony

(Manchester) 30 Agoosto 2022. Manchester United ayaa maanta oo Talaado ah si rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa laacibka reer Brazil ee Antony kaasoo uga yimid kooxda Ajax.

Manchester United ayaa war ay soo dhigtay website-keeda rasmiga waxay ku sheegtay:

“Kooxda waxay heshiis la gaartay Ajax kaas oo ku saabsan saxiixa Antony, waase haddii baadhitaano caafimaad iyo heshiiska shaqsiga ah ee ciyaartoyga la dhamaystiro lana helo ogolaansho shaqo.”

Warbixino dhowr ah ayaa shaaca ka qaaday in heshiiska ay ku dhameeyeen kooxaha Manchester United iyo Ajax qiimo dhan 100 million euros.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close