Horudhac: Southampton vs Chelsea… (Xaqiiqooyinka aad uga baahan tahay kulanka ay caawa Blues booqan doonto Saints)

(Southampton) 30 Agoosto 2022. Chelsea ayaa caawa booqanaysa kooxda Southampton kulan ka tirsan horyaalka Premier league, waxaana ay doonayaan inay guul ka soo gaaraan.

Xilli Chelsea ay fadhiso kaalinta lixaad kaddib guushii ay ka soo gaareen Leicester City isbuucaan, Southampton ayaa ku jirta kaalinta 13-aad ee ka horreynta horyaalka Premier League.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Kooxaha: Southampton vs Chelsea

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 09:45 Habeennimo xilliga Geeska Afrika.

Garoonka: St.Mary

Garsooraha: Michael Oliver (England)

Wararka Kooxaha:-

Kooxda Southampton ayaa weli waxaa ka maqan Valentino Livramento oo muddo dheer ka maqnaa, kaasoo ka soo kabanaya qalliin looga sameeyey dhanka jilibka.

Xiddiga khadka dhexe ee Chelsea, Conor Gallagher ayaa ganaax ku maqan kaddib casaankii uu qaatay kulankii ay guusha ka heleen Kooxda Leicester City.

Daafaca dhexe ee Chelsea, Kalidou Koulibaly ayaa soo laabanaya caawa kaddib markii uu dhammeystay ganaax hal kulan ah.

N’Golo Kante ayaa wali la maqan dhaawac muruqa ah, halka Tababare Thomas Tuchel uu sheegay in Mateo Kovacic uusan wali taam u ahayn inuu ku soo bilowdo safka hore.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Fool Ka Fool

>- Chelsea ayaa gool dhalisay mid kasta oo ka mid ah 17-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay Premier League booqatay Southampton, waana gooldhalintii ugu fiicnayd ee ay koox mid kale ka dhaliso iyadoo ku ciyaaraysa meel ka baxsan garoonkeeda taariikhda tartankan.

>- Guusha kaliya ee Tababare Ralph Hasenhuttl uu gaaray todobadii kulan ee uu la kulmay Macallin Thomas Tuchel waxa ay ahayd 1-0 uu kaga badiyey iyagoo kala watay RB Leipzig iyo Borussia Dortmund kulan qeyb ka ahaa horyaalka Bundesliga oo dhacay bishii September ee 2016, waxaana kulammada kale oo uu Hasenhuttl la kulamy Tuchel uu ka qaabilay 1 Barbaro iyo 5 Guuldarro.

Southampton

>- Southampton ayaa guuldarro la kulan lix ka mid ah siddeedeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay garoonkeeda ku ciyaartay horyaalka Premier League, waxaa ay sidoo kale haystaa 1 Guul iyo 1 Barbaro/

>- Saints ayaa hal jeer oo kaliya shabaqeeda gool ka ilaashatay 16-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaareen horyaalka Premier League, iyagoo dhaliyey 38 gool tan iyo markaas.

>- Waxa ay badiyeen kaliya saddex jeer 20-koodii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka oo ay ciyaareen bartamaha todobaadka sida caawa oo kale, waxaana kulammada kale ay haystaan 7 Barbaro iyo 10 Guuldarro.

>- Southampton ayaa laga badiyay 11 kulan oo horyaalka ah tan iyo bilowgii bishii Maarso, waana in ka badan kooxaha kale ee ka ciyaara horyaalka Ingiriiska.

Chelsea

>- Blues ayaa ciyaaryahan kaarka cas laga siiyey kulammo isku xiga horyaalka Premier League markii ugu horreysay tan iyo bishii October 2014, markaasoo uu kooxda hoggaaminayey Macallin Jose Mourinho, laakiin weligood saddex kulan oo isku xiga tartankan ma dhicin in ciyaaryahan casaan laga siiyo.

>- Kooxda reer London ayaa halis ugu jirta inay lumiyaan kulamo xiriir ah oo ay martida yihiin markii ugu horraysay tan iyo bishii December ee 2020 iyo markii ugu horraysay ee uu hoggaaminayo Macallin Thomas Tuchel.

>- Mason Mount ayaa ku lug yeeshay shan gool afartiisii kulan ee uu ku soo billowday iyagoo ka horjeeda naadiga Southampton, waxaana uu ka dhaliyey afar gool, isagoo ku dhiibay gool kale.

>- Raheem Sterling ayaa gacan ka geystay 11 gool oo horyaalka Premier League, isagoo wajahaya naadiga Saints, wxa uu dhaliyey todobo gool, isagoo ku caawiyey far gool oo kale, kaliya West Ham United oo uu wadar ahaan ka dhaliyey kuna dhiibay 14 gool ayuu kaga rikoor fiican yahay Southamton.

Shaxda macquulka ah ee labada koox:-

Southampton: Bazunu; Walker-Peters, Bella-Kotchap, Salisu, Djenepo; Ward-Prowse, Lavia; A. Armstrong, Aribo, Elyououssi; Adams.

Chelsea: Mendy; Chalobah, Silva, Koulibaly; James, Jorginho, Loftus-Cheek, Chilwell; Mount, Sterling; Havertz.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close