Chelsea oo diyaarinaysa dalabkii ugu dambeeyay ay ku dhameystireyso heshiiskaka Aubameyang

(London) 30 Agoosto 2022. Chelsea ayaa diyaarinaysa dalabkii ugu dambeeyay ee ay kula soo saxiixan karto xiddiga reer Gabon iyo kooxda Barcelona ee Pierre-Emerick Aubameyang, inta lagu guda jiro suuqa xagaagan.

Sida laga soo xigtay wargeyska Sport ee dalka Spain, Chelsea ayaa dalab dhan 23 million euros, oo ay dheer tahay gunnooyin gaaraya laba million euros, si ay ula soo saxiixato Aubameyang.

Wargeyska Isbaanishka ayaa tilmaamay in dalabkan uu noqon doono mid aad ugu dhow shuruudaha ay Barcelona dejisay, si ay ugu ogolaato bixitaanka Aubameyang.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan inuu jiro heshiis u dhexeeya Chelsea iyo weeraryahanka reer Gabon oo ku saabsan shuruudaha shakhsi ahaaneed ee qandaraaska, kaas oo socon doona ilaa 3 sano.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close