Chelsea, Milan, Inter, Roma iyo Guud ahaan kulammada caawa laga ciyaarayo Horyaallada Premier League & Serie A

(Yurub) 30 Agoosto 2022. Kulammo ka tirsan horyaallada Premier League iyo Serie A ee Ingiriiska iyo Talyaaniga ayaa caawa lagu ballansan yahay in la ciyaaro.

Kulanka ugu weyn horyaalka Premier League, waa mid ay kooxda Chelsea booqan doonto caawa naadiga Southampton.

Dhinaca kalena horyaalka Serie A, kulammada laga dheeli doono waxaa ugu madax fiiqan midka ay AC Milan u safri doonto Sassuolo iyo kan ay Inter Milan soo dhoweynayso Cremonese.

Haddaba halkaan hoose ka eeg guud ahaan kulammada caawa laga ciyaari doonto horyaallada waa weyn ee Premier League iyo Serie A:-

England – Premier League

09:30 Habeennimo Crystal Palace vs Brentford

09:30 Habeennimo Fulham vs Brighton & Hove Albion

09:45 Habeennimo Southampton vs Chelsea

10:00 Habeennimo Leeds United vs Everton

Italy – Serie A

07:30 Fiidnimo Sassuolo vs AC Milan

09:45 Habeennimo Inter Milan vs Cremonese

09:45 Habeennimo Roma vs Monza

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close