Ninka ugu hodansan Britain oo iibsanaya Kooxda Manchester United

(Manchester) 18 Agoosto 2022. Ninka ugu taajirsan reer Britain ee Sir Jim Ratcliffe ayaa doonaya inuu iibsado Kooxda kubadda cagta Manchester United.

69-sano jirkaan ugu hodansan Britain ayaa yimid kaddib markii TV-ga Bloomberg uu shaaciyay in qoyska Glazer ay diyaar u yihiin inay iibiyaan qeyb ka mid ah saamigooda kooxda.

“Haddii ay kooxda iib tahay, Jim waxaa ka go’an inuu iibsado, haddii fursadaan ay soo baxdo, waxaan xiiseyneynaa inaan noqono milkiilayaal waqti dheer ah.” ayuu afhayeen Ratcliffe u sheegay Jariiradda The Times.

Kooxda 20-ka goor ku guuleysatay horyaalka Ingiriiska haatan haatan ku jirta kaalinta ugu hooseysa horyaalka Premier League kaddib markii la garaacay labadeedii kulan ee ay ku billowdeen xilli ciyaareedkan cusub.

Qaabka xun oo ay ku billaabatay horyaalka Premier League ayaa kiciyey ololaha looga soo horjeedo qoyska kooxda iska leh ee reer Glazer, kuwaasoo lagu eedeeyey inaysan naadiga u maalgelinin sidii la doonayey.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close