Man United oo qorsheynaysa inay Casemiro ka dhigto xiddiga afaraad ee ugu mushaharka badan England

(Manchester) 18 Agoosto 2022. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa qorsheynaysaa inay Casemiro ka dhigto xiddiga afaraad ee ugu mushaharka badan England.

Manchester United ayaa diyaar u ah inay lacag culus ku bixiso baacsiga ay ku doonayso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid, Casemiro sida laga soo xigtay Jariiradda Mundo Deportivo.

Waxa ay doonaysaa Kooxda reer England inay xiddigan reer Brazil ku soo jiitado mushahar sare si ay ugu qanciso inuu u soo dhaqaaqo Old Trafford.

Qandaraaska uu Casemiro ku joogo garoonka Santiago Bernabeu ayaa ku eg ilaa xagaaga 2025, laakiin xaqiiqadu waxa ay tahay inuu koob waliba oo suurogal ah ku qaaday xiddigan caasimadda Spain.

Man United ayaa doonaysa in ay Madrid u soo bandhigto lacag dhan 80 milyan oo euro si ay u hesho Casemiro si la mid ah xiddiga laftiisana u gacan galiso heshiis shan sano ah oo uu ku qaadanayo 18 milyan euro xilli ciyaareedkiiba.

Haddii uu aqbalo dalabkooda Casemiro waxa uu noqon doonaa ciyaaryahanka afaraad ee ugu mushaarka badan Premier Leagu, iyadoo kaliya ay ka horreeyaan Cristiano Ronaldo, Erling Haaland iyo Mohamed Salah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close