Kooxda Chelsea oo Man United kula soo biirtay doonista Casemiro

(London) 18 Agoosto 2022. Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa la soo warinayaa inay Manchester United kula soo biirtay doonista ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid, Casemiro.

Sida ay warinayso Shabakadda 90min Chelsea ayaa xiiseynaysa oo rajaynaysa inay la soo wareegto xagaagan xiddiga khadka dhexe ee reer Brazil, Casemiro.

Marka laga soo tago Blues, Manchester United ayaa sidoo kale dooneysa inay lasoo saxiixato 30 sano jirkaan khadka dhexe ka ciyaara, laakiin Real Madrid ayaa kaliya ku fikireysa inay ciyaaryahanka ku fasaxdo haddii ay helaan dalab ku kacaya 60 milyan Euro.

Manchester United oo markii hore doonaysay ciyaaryahan Casemiro ayaa haatan waxa ay tartan ku aaddan saxiixiisa kala kulmaysaa kooxda Chelsea ee ka dhisan Galbeedka Magaalada London.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close