Casemiro oo la kulmaya Carlo Ancelotti sabab la xiriira Manchester United

(Madrid) 18 Agoosto 2022. Manchester United ayaa sii wada dadaalkeeda ay ku doonayso inay ku xoojiso safkeeda, kaddib qaab ciyaareed liita oo ay ku bilaabatay xilli ciyaareedka, xilli ay laba guuldaro kala kulmeen labadii kulan ee ugu horeyay horyaalka Premier League, oo la ciyaareen Brighton iyo Brentford.

Manchester United ayaa bartilmaameed ka dhiganaysa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Casemiro, heshiis ku kacaya 60 million pounds, waxayna ka dhigi doontaa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu mushaharka badan kooxda, haddii uu ogolaado inuu u dhaqaaqo Old Trafford.

Sida laga soo xigtay saxafiga caanka ah ee Fabrizio Romano, oo lagu qadariyo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo macalimiinta Yurub, Casemiro ayaa kulan gaar ah la qaadan doona tababaraha Real Madrid ee Carlo Ancelotti, isagoo kala hadli doona mustaqbalkiisa.

Casemiro ayaa kooxda Los Blancos la joogay tan iyo 2013, waxaana qandaraaskiisa haatan uu dhacayaa ilaa 2025.

Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa tilmaamay in Casemiro uu ka fikirayo inuu u dhaqaaqo Manchester United, gaar ahaan inuu halkaas ku heli doono mushaar ka badan kan uu ka helo Los Blancos.

Casemiro wuxuu sidoo kale u arkaa in waayihiisa kooxda Real Madrid uu gabogabo ku sii siqaayo, kaddib muddo 7 sano oo guul ah uu kaga soo garab ciyaaray khadka dhexe labada xiddig ee Toni Kroos iyo Luka Modric.

Dhankeeda, Real Madrid waxay ixtiraami doontaa go’aanka ciyaaryahanka reer Brazil, kaasoo ka mid ah halyeeyada kooxda, inkastoo uu doonayo inuu sii joogo, sida laga soo xigtay “Marca”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close