Weeraryahanka Liverpool ee Mohamed Salah oo lacag badan ugu deeqay Kaniisad ku gubatay dalkiisa

(Giza) 17 Agoosto 2022. Weeraryahanka Kooxda kubadda cagta Liverpool ee Mohamed Salah ayaa lagu soo warramayaa inuu lacago badan ugu deeqay dhismaha Kaniisad uu dab burburiyey oo ku taalla dalkiisa Masar.

Kaniisaddan oo ku taala Giza ayaa dab ka kacay waxaa todobaadkan ku dhintay 41 qof oo ay ku jireen 18 carruur ah.

Madaxweynaha Masar ee Abdel Fattah Al-Sisi ayaa ku amray ciidamada dalkiisa inay dib u dhisaan Kaniisada, waxaana haatan dhismaheeda sidoo kale ka qeyb qaadanaya xiddiga xulka qaranka Masar ee Mohamed Salah.

Warbaahnta reer Masar ee OnTime Sports ayaa warinaya in Salah uu lacag gaareysa saddex milyan oo lacagta Masar ah ugu deeqay dhisamaha Kaniisaddaan, iyadoo lacagtaasi ay u dhiganto 129,706 oo gini ama 156,634 dollar.

Salah ayaa lagu yaqaanaa inuu lacago badan ugu deeqo dalkiisa Masar, waxaana Wargeyska The Sunday Times uu u doortay inuu yahay shaqsiga siddeedaad ee ugu deeqsisan dalka UK sanadkan 2022.

Waxa uu Wargeysku qormadiisa intaa raaciyey in qiyaastii lacag dhan 2.5 milyan oo gini uu xiddigani ku deeqay sanadkan, waana in u dhiganta 6% hantidiisa oo lagu qiyaasay 41 milyan oo gini.

Deeqihii ugu weynaa ee uu bixiyey laacibkan waxaa ka mid ah in sanadkii 2019-kii uu 2.4 milyan oo gini ugu deeqay Machadka Qaranka ee Kansarka ee ku yaala Qaahira, kadddib markii uu Machadkani ku burburay qarax gaari oo loo geystay.

30-sano jirkaan ayaa sidoo kale Isbitaall, Iskuul & Xarunta dhalinyarada ka dhisay magaalada uu ka soo jeedo Nagrig, waxa uu sidoo kale u iibiyey Gaariga caafimaad ee degdegga ah, waxaana uu sidoo kale u iibiyey dhul shan hektar ah oo lagu keydiyo wasaqda si dadku ay biyo nadiif ah u cabaan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close