Macallinka Man United ee Erik ten Hag oo markaan doonaya inuu la soo wareego xiddig ka tirsan Chelsea

(Manchester) 16 Agoosto 2022. Macallinka Kooxda kubadda cagta Manchester United ee Erik ten Hag ayaa la soo warinayaa inuu doonayo inuu la soo wareegto laacibka ka tirsan naadiga Chelsea ee Hakim Ziyech.

Tababaraha xaaladda jahawareerka ah ku jira ee Man United ayaa doonaya inuu Ziyech ku darsado shaxdiisa garoonka Old Trafford.

Xiddiga xulka qaranka Morocco ee Hakim Ziyech ayaa weli bartilmaameed sare u ah Macallinka Manchester United ee Erik ten Hag, kaasoo ay horay uga soo wadashaqeeyeen naadiga Ajax, inkastoo la la xiriirinayo xiddigan AC Milan.

29-sano jirkaan ayaa ka soo hoos ciyaaray Macallin Ten Hag waqtigiisii Ajax, ka hor inta uusan adduun dhan 33 milyan oo gini ugu soo biirin Chelsea sanadkii 2020.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close