Kooxda Manchester United oo ku dhow inay la wareegto Matheus Cunha

(Manchester) 16 Agoosto 2022.  Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la soo warinayaa inay ku dhow dahay inay la wareegto Matheus Cunha.

Jariiradda talkSPORT ayaa warinaysa in kooxda reer England ee Manchester United ay ku dhow dahay  inay heshiis la gaarto Weeraryahanka la yiraahdo Matheus Cunha.

Sida warbixinta lagu sheegay Red Devils ayaa bixin doonta lacag dhan 50 milyan oo euro si ay u soo xero galiso xiddiga reer Brazil, kaas oo haatan ka tirsan kooxda Atletico Madrid.

Weeraryahan Cunha ayaa horay ugu soo ciyaaray kooxaha Hertha Berlin iyo RB Leipzig ka hor inta uuna u dhaqaaqin Atletico Madrid sanadkii 2021, markaasoo uu u saxiixay heshiis shan sano ah.

Cunha ayaana xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyey kooxda reer Spain ee Atletico u dhaliyey todobo gool.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close