Koox ka ciyaarta horyaalka Premier League oo saxiixa Matheus Nunes ku garaacday Liverpool & Chelsea

(Liverpool) 16 Agoosto 2022. Sida warbixinnadu ay tilmaamayaan Koox yar ayaa saxiixa Matheus Nunes ku garaacday Liverpool iyo Chelsea, waxaana la warinayaa in haatan lagu kala adkaaday saxiixiisa.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Sporting Lisbon iyo xulka Portugal ee Matheus Nunes oo saxiixiisa kooxo badan la la xiriirinayay xagaagan ayaa la warinayaa inay u muuqato inuu koox cusub yeeshay.

Suuqa xagaaga waxaa saxiixa Matheus Nunes la la xiriirinayay kooxaha Liverpool iyo Chelsea, balse haatan waxaa hantisay kooxda Premier League ka ciyaarta ee Wolves.

Wolves ayaa qaadanaysa xiddigan khadka dhexe ee cajiibka ah, waxaana ay doonaysaa inuu beddel u noqdo Joao Moutinho oo ku jira qeybihii dambe ee waayihiisa ciyaareed.

Kooxda Wolves oo sanadihii ugu dambeeyey caan ku ahayd saxiixyada xiddigaha ka soo jeeda dalka Portugal ayaa markale soo heshay ciyaaryahan dalkaasi u dhashay, maadaama xiddigo badan oo reer Portugal ay u ciyaaraan kooxdan ayaa la warinaa inay tahay sababta ugu weyn oo uu laacibkani u doortay.

Wargeyska caanka ah ee ka soo baxa Portugal ee la yiraahdo Record ayaa warinaya in Matheus Nunes uu aqbalay inuu ku biiro Wolves, heshiis ku kacaya adduun dhan 45 milyan oo euro oo ay dib ka raaci doonto 5 milyan oo euro oo ku xirnaan doona bandhigga ciyaaryahankan.

Dhanka kale Suxufiga la yiraahdo Santi Aouna ayaa soo sheegaya in Matheus uu maanta u soo duulayo dalka England, isla markaana halkaas tijaabada caafimaadka ku mari doono ka hor inta uusan qalinka ugu duugin heshiis shan sanadood ah kooxda Wolves.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close