Kaddib kaarkii casaanka ahaa ee uu qaatay kulamada uu Darwin Nunez ka maqnaan doono Kooxda Liverpool oo la shaaciyey

(Liverpool) 16 Agoosto 2022. Darwin Nunez ayaa caradiisa xakamayn kari waayey kaddib markii uu herti ku dhuftay Joachim Andersen kulankiisii ugu horreysay ee horyaalka Premier League oo uu ku ciyaaro garoonka Anfield.

Kaarka cas oo toos ah ayaa loo taagay Weeraryahanka kooxda Liverpool ugu fadhiya 85 milyan oo gini, markii uu qaladkaas weyn ku kacay oo uu madaxdiisa ku dhuftay daafaca dhexe ee naadiga Crystal Palace.

Habeen aan u wanaagsanayn ayay u ahayd xiddiga reer Uruguay oo labo fursadood oo waa weyn ka lumiyey kooxdiisa Reds qeybtii hore ee ciyaarta.

Si kastaba ha noqotee, Nunez ayaa muddo saddex kulan ah ganaax kaga maqnaan doona kooxdiisa Liverpool, waxaana uu seegi doona saddexda kulan eek u soo aaddan kooxdiisa ee horyaalka Premier League.

Kulammada uu seegi doono waxaa ugu horreeya kulanka weyn oo ay Isniinta soo aaddan garoonka Old Trafford kula ciyaari doonaan Manchester United, sidoo kale waxa uu Reds ka maqnaan doonaa kulammada ay kala wajahayaan Kooxaha Bournemouth iyo Newcastle United.

Klopp oo ka hadlay casaanka uu qaatay weeraryahankiisa ayaa sheegay inuu u qalmay in garoonka laga saaro oo kaarkaas casaanka ah loo taago, maqnaanshaha Liverpool ee Nunez ayaana ku soo aaddana xilli xiddigo kale oo muhiim ah dhaawacyo uga maqan yihiin.

Liverpool ayaa labadii kulan ee ugu horreeyey horyaalka Premier League oo ay ciyaartay xilli ciyaareedkan cusub ku furtay barbaro, waxaana ay labadaas kulan ka heleen labo dhibcood.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close