Everton oo kooxda Chelsea u sheegtay qiimaha ay ku heli karto da’yarka ay saxiixiisa doonayaan ee Gordon

(Liverpool) 16 Agoosto 2022. Kooxda kubadda cagta Everton ayaa Chelsea ku wargelisay qiimaha ay ku heli karto xiddiga bartilmaameedka u ah ee Anthony Gordon.

Jariiradda The Mirror ayaa warinaysa in Everton ay ku doonayso 50 milyan oo gini xiddiga bartilmaameedka u ah kooxda Chelsea ee Anthony Gordon.

Naadiga The Toffees lagu naynaaso ayaa soo diidday dalabkii ugu horreeyey ee ku kacayay 40 milyan oo gini, waxaana ay rabaan inay sii haystaan 21-sano jirkaan haddii aysan ku heleynin 50 milyan oo gini.

Kooxda ka dhisan Galbeedka Magaalada London ee Chelsea waa inay miiska saaraan 50 milyan oo giniga istarliinka ah haddii ay doonayaan saxiixa da’yarkan ka tirsan Everton ee Anthony Gordon.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close