Barcelona oo aysan u badnayn inay heli doonto Bernardo Silva… (Maxaa soo kordhay?)

(Barcelona) 16 Agoosto 2022. Kooxda kubadda cagta Barcelona ee ka dhisan dalka Spain ayaysan u badnayn inay heli doonto ciyaaryahan Bernardo Silva.

U dhaqaaqista Kooxda Barcelona ee Bernardo Silva ayay u badan tahay inay burburto, sida laga soo xigtay Majaladda Spanish-ka ah ee Mundo Deportivo.

Kooxda uu ciyaaryahanku ka tirsan yahay ee Manchester City ayaan doonayn inay hoos u dhigto qiimaha ay ku iibinayso oo ah 100 milyan oo euro oo ay ku doonayso in looga gato xiddiga reer Portugal, taas oo caqabad weyn ku ah kooxda reer Catalonia.

Si kastaba ha noqoteen Jariirada Mundo Deportivo ayaa haatan warinaysa in Barca aysan lacagtaas ka bixi karin marka oo eego dhaqaalaheeda oo aan isku dheelli tirnayn sidaas awgeedna ay u badan tahay inaysan heli doonin Bernardo Silva.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close