Real Madrid oo guul ku daah furatay La Liga kaddib markii ay guul soo laabasho ah ka gaartay kooxda Almeria

(Barcelona) 14 Agoosto 2022. Real Madrid ayaa guul ku daah furatay horyaalka La Liga kaddib markii ay guul soo laabasho oo 2-1 ah ka gaartay kooxda Almeria, kulankooda ugu horreeyay xilli ciyaareedka cusub ee 2022/23.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Almeria.

Daqiiqadii 6-aad kooxda kubadda cagta Almeria ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay Largie Ramazani, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Íñigo Eguaras.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

61 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Real Madrid ayaa dhalisay goolka barbardhaca kaddib markii uu 1-1 ka dhigay L. Vazquez oo ay caawin kaga timid Benzema.

Daqiiqadii 75-aad Real Madrid ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu gool ku laad qurux badan dhaliyay David Alaba oo badal ku soo galay isla markaana ay ahayd taabashadiisa ugu horreeyay, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 1-2.

Ugu dambeyntii dheesha ayaa ku dhammaatay 1-2 ay kaga soo adkaatay Real Madrid, kooxda Almeria oo ay booqatay, Los Blancos ayaa sidaas gacanta ugu dhigtay saddexdeeda dhibcood ugu horreysay ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedka cuub ee 2022/23.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close