Koooxaha Chelsea iyo Tottenham Hotspur oo dhibcaha ku qeybsaday garoonka Stamford Bridge

(London) 14 Agoosto 2022. Koooxaha Chelsea iyo Tottenham Hotspur ayaa dhibcaha ku qeybsaday garoonka Stamford Bridge, kaddib markii ay ku kala baxeen barbardhac 2-2 ah, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada Toddobaadka labaad horyaalka Premier League xilli ciyaareedka cusub ee 2022/23

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Chelsea

Daqiiadii 19-aad Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay Koulibaly, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Marc Cucurella

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

68 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda Tottenham Hotspur ayaa dhalisay goolka barbarhdaca kaddib markii uu 1-1 ka dhigay P. Hojbjerg oo caawin ka helay saaxiibkiis B. Davies.

Laakiin daqiiqadii 77-aad Chelsea ayaa markale hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddid markii uu 2-1 ka dhigay R. James waxaana caawinta goolkan lahaa R. Sterling.

90 + 6 marka ay dheesha mareysay Tottenham Hotspur ayaa dhalisay goolka barbardhaca waxaana 2-2 ka dhigay ciyaarta H. Kane oo ay caawin kaga timid I. Perisic

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay barbardhac 2-2 ay ku kala baxeen labada kooxood Chelsea iyo Tottenham Hotspur, kaddib ciyaar aad u xiiso badan ay ku qaateen garoonka Stamford Bridge.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close