Horudhac: Chelsea vs Tottenham … (Xaqiiqooyinka aadka uga baahan tahay kulanka London derby ee maanta ka dhacaya Stamford Bridge)

(London) 14 Agoosto 2022. Kooxaha Chelsea iyo Tottenham Hotspur ayaa isku faro-saari doona garoonka Stamford Bridge maqribnimada maanta, iyagoo indhaha ku haya inay sii xoojistaan guulahoodii ay soo gaareen kulammadoodii furitaanka horyaalka Premier League xilli ciyaareekda cusub.

Spurs ayaa guuldarro 4-1 ah soo laqsiisay Southampton kuna daah furatay horyaalka Premier League kal ciyaareedkiisa cusub, halka Chelsea ay 1-0 ku soo dishay Everton.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Kooxaha: Chelsea vs Tottenham Hotspur

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 06:30 Maqribnimo xilliga Geeska Afrika.

Garoonka: Stamford Bridge

Garsooraha: Anthony Taylor (England)

Wararka Kooxaha:-

Chelsea ayaan kulankan heli doonin adeegga Mateo Kovacic, maxaa yeelay waxa uu ka dhaawacmay jilibka.

Daafaca dadabka bidix ee Marcos Alonso ayaa sidoo kale ka maqnaan doona kooxda Blues, Macallin Thomas Tuchel ayaana yiri: “Isagu tababarka ma nala qaadan, wuxuu isku dayayaa inuu soo gabagabeeyo u wareegistiisa (Barcelona)”.

Dhinaca kale Tottenham ayaa safashadiisii ugu horreysay u gacan gelin doonta maanta saxiixeeda xagaaga ee 60 milyan gini ugu fadhiya ee Richarlison kaddib markii uu ka soo laabtay ganaax uu ku maqnaa.

Waxaa ka maqnaan Spurs doona daafaca Clement Lenglet, kaasoo xoogaa xanuun ka dareemaua muruqa iyo Oliver Skipp oo cagta ka dhaawacan.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Fool Ka Fool

>- Tottenhan ayaa guuleysatay kaliya todobo jeer 60-keedii kulan ee horyaalka Premier League ay ku wajahday Chelsea, waxaana ay kala kulantay 20 barbaro iyo 33 guuldarro.

Chelsea

>- Xilli ciyaareedkii hore, Chelsea ayaa dhibco badan ku soo heshay bannaanka garoonkeeda, waxaana ay iyadoo marti ah soo heshay 40 dhibcood ah, halka garoonkeeda Stamford Bridge ay ku qaadatay 34 dhibcood.

>- Chelsea ayuaa dhibco lumisay kulamadii furitaanka horyaalka Premier League ee gurigeeda, afar ka mid ah todpobadii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay, waxaana ay heshay 3 guul, 2 barbaro iyo 2 guuldarro.

>- Blues ayaa wajahaysa macallinkeedii hore labo kulan oo isku xiga horyaalka, waxa ay maanta wajahayaan Antonio Conte, halka kulankii horena ay soo wajaheen tababare Frank Lampard oo watay Everton.

Tottenham Hotspur

>- Tottenham ayaa guuleysatay 99 kulammada London derby ah ee horyaalka Premier League, waxaana ay noqon kartaa kooxdii saddexaad ee 100 guulo ah horyaalka gaarta kulammada London Derby kaddib Chelsea iyo Arsenal.

>- Si kastaba ha noqotee, Spurs ayaa kaliya hal dhibic qaadatay shanteedii kulan ee London Derby ay ku soo ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, waxaana ay kaliya dhaliyeen hal gool.

>- Harry Kane ayaa u baahan inuu dhaliyo labo gool si uu u jabiyo rikoorkii  Sergio Agüero ee ahaa in goolasha ugu badan ee Premier League loo dhaliyo hal koox, waxaana uu kun Aguero 184 gool u dhaliyey Manchester City.

Shaxda macquulka ah ee labada koox:-

Chelsea: Mendy; Azpilicueta, Silva, Koulibaly; James, Jorginho, Kante, Cucurella; Sterling, Mount; Havertz.

Tottenham Hotspur: Lloris; Romero, Dier, Davies; Emerson, Hojbjerg, Bentancur, Sessegnon; Kulusevski, Kane, Son.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close