Horudhac: Almeria vs Real Madrid… (Difaacdayaasha horyaalka La Liga oo caawa booqanaya kooxda ku cusub horyaalka)

(Barcelona) 14 Agoosto 2022. Almeria ayaa wajahaysa caawa tijaabo dhab ah soo laabashadooda horyaalka La Liga marka ay garoonkooda Power Horse Stadium ku soo dhoweynayaan naadiga horyaalka difaacanaysa ee Real Madrid kulankooda furitaanka.

Kooxda martida loo yahay caawa ayaa kaalinta ugu sarreysa ku dhammaysatay horyaalka heerka labaad ee Segunda Division xilli ciyaareedkii hore, waxaase dib ugu soo laabashadooda La Liga ay wajahayaan kulankan weyn, maadaama kooxda Macallin Carlo Ancelotti aan ognahay inay soo qaadday horyaalka heerka koowaad ee Spain iyo Koobka Horyaallada Yurub.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Spain – La Liga

Kooxaha: Almeria vs Real Madrid

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 11:00 Habeennimo xilliga Geeska Afrika.

Garoonka: Power Horse Stadium

Garsooraha: Juan Martinez (Spain)

Wararka Kooxaha:-

Rubi ayaa waxaa ka maqnaan doona daafacyada Juanjo iyo Ivan Martos kulankooda furitaanka horyaalka, maadaama labada ciyaaryahan ay dhaawac ka qabo seedaha.

Ma jiraan wax ganaaxyo ah oo haysta kooxda martida loo yahay ee Almeria.

Macallin Carlo Ancelotti ayaa heli doona koox taam ah oo uu ka soo xusho shaxdiisa kulanka caawa ee Almeria.

Waxa laga yaabaa inuu tababare Ancelotti doorto inuu wax ka beddelo 11-kiisa xiddig ee safka hore, kaddib markii uu ciyaaray Final-ka UEFA Super Cup oo ay Arbacadii la ciyaareen Frankfurt.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

>- Real Madrid ayaa badisay mid kasta oo ka mid ah labadii kulan ee ugu dambeeyay oo ay kooxda Almeria kula soo ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda horyaalka La Liga, waxana ay ka dhalisay 9 gool muddadaas.

>- Almeria ayaa badisay kaliya hal kulan 12-kii kulan ee ay la ciyaartay Real Madrid horyaalka La Liga, waxaana ay kala kulmeen 2 barbaro iyo 9 guuldarro, iyadoo Los Blancos ay ka dhalisay goolal badan marka loo eego kooxaha kale ee ay ku wajahday tartanka, waxaana ay ugu shubtay 38 gool.

>- Kooxda Real Madrid ayaa badisay kaliya hal kulan afartii kulan ee ugu dambeeyay La Liga, iyadoo labada kulan ee hore barbaro gashay.

>- Almeria ayaa ku guuldarreysatay inay badiso shantii kulan ee ugu danbeysay ee La Liga, waxaana ay la kulantay 1 barbaro iyo 4 Guuldarro, iyadoo ugu yaraan laga dhaliyey labo gool mid kasta oo ka mid ah kulamadaas.

>- Weeraryahanka kooxda Real Madrid ee Karim Benzema ayaa ku lug yeeshay sagaal gool todobadii kulan ee uu horyaalka La Liga kaga horyimid kooxda Almeria.

>- Real Madrid ayaa dhalisay ugu yaraan saddex gool shanteedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay wajahday Almeria dhammaan tartammada kala duwan.

>- Kooxda Real Madrid ayaa guuleysatay siddeed ka mid ah sagaalkeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay wajahday Almeria tartammada oo dhan.

Shaxda macquulka ah ee labada koox:-

Almeria: Fernando; Pozo, Ely, Babic, Akieme; De la Hoz, Costa, Robertone; Portillo, Sadiq, Ramazani.

Real Madrid: Courtois; Carvajal, Militao, Alaba, Mendy; Kroos, Casemiro, Modric; Valverde, Benzema, Vinicius Jr .

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close