Frenkie de Jong oo xiddigaha ay ka wada tirsan yihiin Barcelona u sheegay kooxda uu ku biiri karo… (Ma Man United mise Chelsea?)

(Barcelona) 14 Agoosto 2022. Laacibka khadka dhexe ee Barcelona, Frenkie de Jong ayaa la soo warinayaa in xiddigaha ay isku kooxda yihiin uu u sheegay inuu ku biiri karo naadiga Manchester United, ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga xiddigaha.

Wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan mustaqbalka xiddiga heerka caalami ee Netherlands ayaa weli sii socda, iyadoo Man United ay weli ka shaqeyneyso saxiixiisa, halka Chelsea sidoo kale la rumeysan yahay inay ugaarsi ugu jirto saxiixiisa De Jong.

De Jong ayaa lagu soo billaabay kursiga keydka Barcelona kulankii xalay ee furitaanka horyaalka La Liga 2022-2023, inkastoo la soo geliyay daqiiqadii 60-aad ee ciyaartaas oo ku dhammaatay barbaro goolal la’aan ah.

Tababaraha kooxda Catalan ee Xavi ayaa diiday inuu meesha ka saaro inuu xagaaga ka tagayo xiddiga reer Holland markii la waydiiyay war cusub oo ku saabsan xaaladda laacibkan intii lagu jiray shirkii jaraa’id ee dhammaadkii todobaadkii hore.

“Waxay la mid tahay tan Auba (Pierre-Emerick Aubameyang), isaga (De Jong) ayaa muhiim ii ah, waxa uu ku jiraa shaxdeyda, waana adeegsan doonaa isaga, ma garanayo waxa dhici doona inta u dhaxaysa hadda iyo 31-ka Agoosto, laakiin maya kaliya ma’ahan Frenkie ama Auba ee waa qof walba oo kooxda ku jira,” Xavi ayaa sidaas u sheegay Suxufiyiinta.

Warbixin dhowaan soo baxday ayaa lagu sheegay in Man United ay ku rajo weyn tahay in ay ugu dambayn soo gabagabayso heshiiska ay kula soo wareegeyso 25-sano jirkaan todobada maalmood ee soo aaddan, iyadoo kooxdu ay doonayso in ay soo afjarto sheekadii suuqa kala iibsiga ee muddada dheer soo jiitamaysay.

Sida uu warinayo Wargeyska Sport, De Jong ayaa xiddigaha ay ka wada tirsan yihiin Barcelona u sheegay inuu u dhaqaaqi karo dhinaca kooxda Macallin Erik ten Hag ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga xiddigaha.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa 46 kulan saftay heerka kooxdeed intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2021-22, isagoo dhaliyey afar gool iyo isla markaana sameeyey shan caawin.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close