Xavi oo ku dhawaaqay liiska xiddigaha Kooxda Barcelona uga qeyb galaya kulanka caawa ee Rayo Vallecano

(Barcelona) 13 Agoosto 2022. Waxaa la shaaciyey liiska xiddigaha kooxda kubadda cagta Barcelona uga qeyb galaya kulanka adag ee Rayo Vallecano kula ciyaari doonaan horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Kooxda Barcelona ayaa doonaysa inay sida ugu fiican ku bilaabato caawa horyaalka La Liga fasal ciyaareedkiisa 2022-23, marka ay garoonkooda Camp Nou ku soo dhoweynayaan Rayo Vallecano.

Catalan ayaa kaalinta labaad ee horyaalka ku dhammaysatay xilli ciyaareedkii hore, iyadoo 13 dhibcood ka dambeysay kooxda horyaalka ku guuleysatay ee Real Madrid, halka Rajo Vallecano ay ku dhammayusatay kaalinta 13-aad.

Haddaba halkaan hoose ka eeg liiska xiddigaha Kooxda Barcelona uga qeyb-gaya kulanka caawa ay soo dhaweyn doonaan naadiga Rayo Vallecano:-

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close