Man City oo garoonkeeda Etihad Saddexda dhibcood kaga qaadatay kooxda Bournemouth

(Manchester) 13 Agoosto 2022. Manchester City ayaa garoonkeeda Etihad Saddexda dhibcood kaga qaadatay kooxda AFC Bournemouth, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-0, kulan qeyb ka ahaa kulammada Isbuuca labaad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa waxaa lagu kala nastay 3-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Manchester City.

Daqiiqadii 19-aad Manchester City ayaa hogaanka u qabatay hoggaanka waxaana 1-0 ka dhigay Gundogan, kaddib markii uu ka caawiyay Haaland.

31 daqiiqo marka ay dheesha mareysay De Bruyne oo ay caawin kaga timid Phil Foden ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 2-0 ay ku hor kaceysay Manchester City.

Daqiiqadii 37-aad Manchester City ayaa sii dheereysatay hoggaaminta ciyaarta kaddib markii uu 3-0 ka dhigay Phil Foden, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis De Bruyne.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

79 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay laacibka kooxda AFC Bournemouth ee Jefferson Lerma ayaa iska dhaliyay gool ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 4-0 ay ku hoggaamineysay Man City.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 4-0 ay kaga adkaatay Manchester City, kooxda Bournemouth oo ku soo booqatay garoonka Etihad, City oo guul gaartay labadii kulan ay ka ciyaartay horyaalka Premier League waxay gacanta ku dhigtay 6 dhibcood.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close