Brentford oo dhulka ku jiiray Manr United oo marti ugu ahayd garoonkeeda Gtech Community

(Brentford) 13 Agoosto 2022. Brentford ayaa dhulka ku jiiray Manchester United oo marti ugu ahayd garoonkeeda Gtech Community, kaddib markii ay kaga adkaatay 4-0, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada isbuuca labaad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 4-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Brentford.

Daqiiqadii 10-aad Brentford ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay laacibkooda Jay Dasilva kaddib markii uu ka caawiyay saaxiibkiis Mathias Jensen.

18 daqiiqo marka ay mareysay Mathias Jensen ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Brentford.

Sheeko waxay sii xumaatay daqiiqadii 30-aad kaddib markii Ben Mee uu dheesha ka dhigay 3-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Brentford.

35 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay kooxda Brentford ayaa dheereysatay hoggaaminta dheesha waxaana 4-0 ka dhigay Bryan Mbeumo kaddib markii uu caawin ka helay Ivan Toney.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 4-0 ay kaga adkaatay Manchester United oo marti ugu ahayd garoonkeeda Gtech Community, United ayaa la kulantay guuldarradii labaad oo xiriir ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close