Arsenal oo guul ay u qalantay ka gaartay Leicester City oo marti ugu ahayd garoonka Emirates

(London) 13 Agoosto 2022. Arsenal ayaa guul gaartay kulankeeda labaad xiriir ah horyaalka Premier League kaddib markii ay kaga adkaatay Leicester City 4-2, kulan xiiso badan oo ka dhacay garoonka Emirates.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda reer London ee Arsenal.

Daqiiqadii 23-aad Arsenal ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay weeraryahankooda cusub ee reer Brazil Gabriel Jesus.

32 daqiiqo marka ay mareysay dheesha Gabriel Jesus oo caawin ka helay Xhaka ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Arasenal.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 53-aad daafaca kooxda Arsenal ee William Saliba ayaa gool iska dhaliyay ciyaarta ayaa waxay sidaas ku noqotay 2-1.

55 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Granit Xhaka oo caawin ka helay Gabriel Jesus ayaa wuxuu markale dheesha ka dhigay 3-1 ay ku hoggaamineysay kooxda Arsenal.

Daqiiqadii 74-aad kooxda Leicester City ayaa dhalisay gool, kaddib markii uu 3-2 ka dhigay ciyaarta xiddigooda khadka dhexe ee Maddison oo caawin ay kaga timid Iheanacho.

Laakiin Martinelli oo caawin ka helay saaxiibkiis Gabriel Jesus ayaa daqiiqadii 75-aad wuxuu hoggaanka u dheereeyay kooxda Arsenal wuxuuna dheesha ka dhigay 4-2.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 4-2 ay kaga adkaatay Arsenal, kooxda Leicester City oo ku soo booqatay garoonka Emirates, Gunners oo guul gaartay labadii kulan ay ka ciyaartay horyaalka Premier League waxay gacanta ku dhigtay 6 dhibcood.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close