Man City oo qorsheyneysa inay la saxiixato xiddig ka tirsan Arsenal

(Manchester) 12 Agoosto 2022. Wargeyska “Daily Mirror” ee England ayaa sheegay in maamulka Manchester City ay qorsheynayaan inay la soo saxiixdaan daafaca bidix ee Arsenal Kieran Tierney, inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Manchester City ayaa isha ku heysa inay lasoo saxiixato daafac bidix oo cusub kaddib markii uu ka tagay Oleksandr Zinchenko oo ku biiray Gunners.

Manchester City ayaa dooqa koowaad ka dhigatay suuqan xagaaga daafaca reer Spain ee Marc Cucurella, laakiin Chelsea ayaa afduubtay daqiiqadihii ugu dambeeyay.

Wargayska ayaa tilmaamay in Manchester City ay la xiriiri doonto madaxda kooxda Arsenal si ay ugala xaajoodaan heshiiska Kieran Tierney si ay ugu xoojistaan booska dambeedka bidix.

Pundit admits growing Kieran Tierney concern after Arsenal forced to sign 'insurance policy'

Wargeyska ayaa tilmaamay in inkastoo Manchester City ay heshiis kama dambeys ah la gaartay kooxda Belgiam ka dhisan ee Anderlecht si ay 13 million euros kula soo saxiixato daafaca bidix ee Sergio Gomez, haddana kooxda ayaa sidoo kale dooneysa inay la soo wareegto Kieran Tierney.

Sergio Gomez ayaa lagu wadaa inuu yimaado Manchester 48-da saacadood ee soo socota si uu u maro baaris caafimaad, isla markaana uu u dhameystiro heshiiska uu ugu wareegayo kooxda ka dhisan England.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close