Digniin ku socota Chelsea oo ku saabsan Frenkie de Jong

(London) 12 Agoosto 2022. Daaficii hore ee kooxda Chelsea William Gallas ayaa uga digay maamulka kooxda reer England saxiixa xiddiga khadka dhexe iyo kooxda Barcelona ee Frenkie de Jong inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga ee xagaagan.

William Gallas ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska Mundo Deportivo, wuxuu ku sheegay:

De Jong waa ciyaaryahan weyn, weli waa da’yar, waxaana uu khibrad weyn u leeyahay qaab ciyaareedkiisa.”

Sidaas oo ay tahay uma maleynayo, inay muhiim tahay in Chelsea ay la soo saxiixato ciyaaryahan leh awoodiisa, maadaama kooxda ay heysato ciyaartoy isaga oo kale ah.”

“Chelsea waa in ay raadisaa ciyaaryahan sida Casemiro ama Rodri, waa rag xoogan, oo ka horreeya difaacyada, waxayna leeyihiin awood jireed oo wanaagsan.”

“Sidaas darteed, waa inaadan la saxiixan De Jong sababtoo ah Chelsea waxay haysataa ciyaartoy isaga la mid ah.”

Magaca De Jong ayaa lala xiriiriyay inuu ka tagayo Barcelona xagaagan, iyadoo la eegayo xiisaha Manchester United iyo Chelsea, iyadoo warar is khilaafsan ay ka soo baxayaan Camp Nou oo ku saabsan mowqifka madaxda kooxda Catalan ee ah iibka ciyaaryahanka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close