Sterling oo shaaca ka qaaday sababtii uu uga tagay Manchester City uguna biiray Chelsea

(London) 11 Agoosto 2022. Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda chelsea ee Raheem Sterling ayaa shaaca ka qaaday sababtii uu uga tagay kooxda Man City ugna biiray Blues.

28-sano jirkaan ayaa ku biiray Blues xagaagan, isagoo kaga yimid Man City, 47.5 million pounds, kaddib markii uu 7 sano ku qaatay Citizens.

Sida laga soo xigtay “Goal” Raheem Sterling ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu kaga hadlay sababtii uga tagay Manchester City uguna biiray Chelsea, wuxuuna yiri:

“Waxaan dareemayay in xilligeygii Manchester City uu ahaa mid kooban marka loo fiiriyo wakhtiga ciyaarta sababo kala duwan dartood.”

“Waan u adkeysan waayay inaan waqti kale lumiyo, waxay ahayd inaan tijaabiyo tartan cusub.”

“Waxaan si joogto ah ula ciyaarayay Man City bilowgii, ma aqbali doono ciyaar aan joogto ahayn, mar walba waxaan isku dayaa inaan dagaalamo, taas ayeena ahayd.”

“Iyadoo xulushooyin aan haysto, Chelsea waxay ahayd doorasho ku habboon yoolalkayga gaarka ah, taasoo macno badan samaynaysa.”

“Marka aad eegto Chelsea labadii sano ee la soo dhaafay, waxa aan u malaynayaa in ay dheeshay afar ama shan final, waa koox muujisay in ay tahay mid tartan ah, waxana ay horumar ku sii samayn doontaa milkiila cusub.”

“Waxaan ku soo laabtay London anigoo qaangaar ah, waxaan si sax ah u garanayaa waxa aan ka doonayo nolosha iyo kubadda cagta, waa waqtigii ugu fiicnaa ee aan qaadan lahaa tartan cusub.”

Garabka reer England waxa uu Man City kala qayb qaatay 337 kulan, dhammaan tartamada, waxa uu u dhaliyey 131 gool, waxana uu caawiyey 94 gool kale.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close