Sergio Aguero oo sheegay inay layaab noqon doonto haddii Man  City ay Bernardo Silva u ogolaato inuu ku biiro Barcelona

(Manchester) 11 Agoosto 2022. Weeraryahankii hore ee Kooxda Manchester City ayaa rumeysan in layaab noqon doonto haddii City ay Bernardo Silva u ogolaato inuu tago oo uu ku biiro Barcelona.

Sergio Aguero ayaa shaki ka qaba in Manchester City ay diyaar u tahay inay Bernardo Silva u ogolaato inuu ku biiro Barcelona xagaagan, laakiin waxa uu qiray in wax walba ay macquul yihiin.

Kooxda reer Spain ayaa si xoog leh loola xiriirinayey xiddiga khadka dhexe ee reer Portugal todobaadyadii dhowaa, waxaana horraantii isbuucan soo baxayay warar sheegaya inay Man City kula heshiiyeen lacag dhan 46 milyan oo gini si ay u helaan laacibkan, laakiin taas waxaa diidday kooxda reer England.

Aguero ayaa ka tagay City kuna biiray Barcelona qeybihii ugu dambeeyay ee xirfaddiisa ciyaareed, mana uusan iska fogeyn suurtagalnimada uu Silva ku mari karo wadaddiisii, weeraryahankii hore ee xulka Argentina ayaana sheegay in Silva uu qeyb weyn ka noqon doono qorshaha Tababare Xavi ee Barcelona haddii uu u dhaqaaqo garoonka Nou Camp.

“Bernardo waa ciyaaryahan weyn, waxa uu xambaaraa kubadda, waxa uu sameeyaa naf hurid, waxa uu leeyahay tayo uu goolal ku caawin karo kuna dhalin karo, waxa uuna ka ciyaari karaa boosas kala duwan,” ayuu Aguero u sheegay Stake sida ay soo xiganayso shabadda ciyaaraha ee Goal.

“Layaab ayay igu noqon doontaa haddii Man City u ogolaato inuu tago.”

Silva ayaa shumac ka ahaa Man City tan iyo markii uu kaga soo biiray Kooxda Monaco sanadkii 2017, isagoo kula guuleystay afar horyaal oo Premier League ah shantii sano ee uu joogay garoonka Etihad.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close