Rikoorradii laga diiwaan geliyey kulankii xalay ay kooxda Real Madrid ku guuleysatay UEFA Super Cup

(Helsinki) 11 Agoosto 2022. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa xalay 2-0 kaga adkaatay naadiga reer Jarmal ee Frankfurt, waxaana ay ku guuleysatay Koobka UEFA Super Cup.

Kulankan oo ka dhacay Magaalada Helsinki ee dalka Finland ayaa kooxda reer Spain waxaa labada gool labadii qeybood ee ciyaarta u kala dhaliyey Alaba (36’daqiiqo) iyo Benzema (64’daqiiqo).

Tababare Carlo Ancelotti ayaa waqti dambe soo geliyey saxiixyada cusub ee Antonio Rudiger iyo Tchouameni oo koobkoodii ugu horreeyey la qaaday Real Madrid kulankoodii koowaad ee tartan rasmi ah oo ay u saftaan.

Inta aysan ciyaartu bilaaban ka hor ayaa Karim Benzema iyo Vinícius Jr la guddoonsiiyey abaal-marinnada ciyaaryahankii iyo da’yarkii ugu fiicnaa tartanka Champions League xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Waa koobkoodii ugu horreeyey oo ay ku guuleysato Real Madrid xilli ciyaareedka cusub, iyadoo Los Blancos ay doonayso inay 6 koob ku guuleystaan fasal ciyaareedkan.

Halkaan hoose ka eeg rikoorrada laga diiwaan geliyey guushii Real Madrid ee UEFA Super Cup:-

>- Real Madrid ayaa markeedii shanaad ku guuleysatay UEFA Super Cup, waxaanay la sinteen oo ay barbareeyeen Kooxaha AC Milan iyo Barcelona oo ahaa labada kooxood ee tirada ugu badan qaaday koobkan.

>- Kooxda Real Madrid ayaa koobka UEFA Super Cup ku guuleysatay sanadihii 2002, 2014, 2016, 2017 iyo 2022, waxaanay sidaas ku barbarreeyeen Barcelona iyo AC Milan oo min shan jeer ku guuleystay, waxaana ay hadda yihiin saddexda kooxood ee ugu guulaha badan koobkan.

>- Los Blancos ayaa guuleysatay 17 ka mid ah 19-kii Final ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay tan iyo sanadkii 2013.

>- Waxa ay Real Madrid ku guuleysatay sanadkan 2022 koobkeedii afaraad, waxaana ay kala yihiin, Champions League, Horyaalka La Liga, Spanish Super Cup iyo UEFA Super Cup oo ay xalay ku guuleysteen.

>- Guud ahaan Kooxda Real Madrid ayaa ku guuleysatay guud ahaan 96 koob, waxaana ku jira 35 horyaalka La Liga, 19 Copa del Rey, 12 Supercopa de España, 14 European Cup/UEFA Champions League, 5 UEFA Super Cup, 4 Koobka Kooxaha Adduunka ah (FIFA Club World Cup) iyo kuwo kale.

>- Tababaraha Talyaaniga ah ee hoggaamiya Real Madrid, Carlo Ancelotti ayaa xalay taariikh cusub loo diiwaangeliyey, waxaanu noqday tababaraha kaliya ee ku guuleystay shanta horyaal ee waa weyn Yurub ee Premier League, Serie A, LaLiga, Bundesliga iyo Ligue 1, sidoo kalena raaciyey afar Champions League iyo afar UEFA Super Cup oo xalay ku guuleystay markiisii afaraad.

>- Karim Benzema oo xalay dhaliyey goolkiisii 324-aad ayaa ka sare maray Raúl oo Los Blancos u dhaliyey 324 gool, isla markaana waxa uu Benzema noqday xiddiga labaad ee ugu goolasha badan taariikhda Real Madrid, isagoo ka dambeeya Cristiano Ronaldo oo ah kan ugu goolasha badan Real kaddib markii uu u dhaliyey 450 gool.

>- Xiddiga xulka qaranka Faransiiska ee Karim Benzema ayaa haddii uu u baahan yahay inuu barbareeyey goolasha Cristiano Ronaldo ee Real Madrid, waxa uu u baahan yahay inuu dhaliyey 126 oo kale, haddiise uu doonayo inuu noqdo kan ugu goolasha badan Los Blancos waxaa Benzema laga doonayaa inuu goolashiisa 324-ka gool ah oo uu haatan dhaliyey uu ku daro 127 gool oo kale.

>- Antonio Rüdiger ayaa isaguna labo sano oo xiriir ah ku guuleystay UEFA Super Cup, 2021 waxa uu la qaaday Chelsea, sanadkan 2022 waxa uu kula guuleystay xalay Kooxdiisa cusub ee Real Madrid.

>- Thibaut Courtois ayaa noqday goolhayihii ugu horreeyey ee shabaqiisa gool ka ilaashada Final-ka Champions League iyo UEFA Super Cup hal sano gudihii tan iyo Víctor Valdés oo sidaas oo kale sameeyey sanadkii 2009.

>- Eduardo Camavinga oo kaliya 19-sano jir ah ayaa ku guuleystay Champions League, La Liga, Spanish Super Cup iyo UEFA Super Cup.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close