Muxuu ka yiri Ancelotti kaddib markii ay Real Madrid ku guulaystay koobka UEFA Super Cup?

(Helsinki) 11 Agoosto 2022. Tababaraha reer Talyaani ee Carlo Ancelotti ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay guushii ay kooxdiisa Real Madrid ka gaartay koobka UEFA Super Cup.

Real Madrid ayaa ku guuleysatay koobka UEFA Super Cup kaddib markii ay ku garaacday kooxda Frankfurt 2-0, kaddib ciyaar aad u xiiso badan ee ku dhex martay garoonka Olympiastadion.

Haddaba wargeyska Marca ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysiga tababare Carlo Ancelotti, wuxuuna yiri:

“Ciyaarta ma ahayn mid fudud, qaab ciyaareedka labada koox aad ayuu isugu dhawaa, gool ayaan dhalinay, intaas ka dib si fiican ayaan u maamulnay ciyaarta.”

“Mar walba bilowga xilli ciyaareedka ma filan kartid inaad ku jirto sida ugu fiican, laakiin Waxaan bilownay inaan ku bilowano xilli ciyaareed si wanaagsan.“

“Waxaan u maleynayaa in jawiga wanaagsan uu naga dhigi karo inaan gaarno natiijooyin wanaagsan oo aan soo bandhigno wax qabad wanaagsan, Jawiga wuxuu ahaa mid wanaagsan, guushana waxay naga caawineysaa dhiirigelinta.”

Intaas kaddib Tababaraha reer Talyaani ee Carlo Ancelotti ayaa wuxuu ammaanay Benzema, wuxuuna yiri:

“Waa ciyaaryahan aad muhiim u ah, waa kabtanka kooxda, waxa uu dhaliyay goolal badan, xilli ciyaareedkaan si wanaagsan ayuu u dhameystay, hadana waxa uu doonayaa inuu ku guuleysto Ballon d’Or, mana u maleynayo in qofna uu shaki ka qabo.”

Waxaa xusid mudan in Kooxda reer Spain ay xalay UEFA Super Cup ciyaartay maadaama ay ku soo guuleysatay tartanka UEFA Champions League markeedii 14-aad, kaddib markii ay 1-0 ku garaacday Liverpool.

Naadiga reer Jarmal ee Frankfurt ayaa dhankeeda heerkan UEFA Super Cup ku soo gaartay kaddib markii ay soo qaadday tartanka UEFA Europa League oo ay gool ku laadyo ama rigoorayaal uga qaadeen dhiggooda Rangers.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close