Ma ogtahay in Adrien Rabiot oo ku soo jeeda Man United uu mar ka tirsanaa Akadeemiyada Man City?

(Manchester) 11 Agoosto 2022. Xiddiga la filayo inuu ku biiro Kooxda Manchester United, Adrien Rabiot ayaa mar ka mid ahaa kuliyadda dhallinyarada ee naadiga Manchester City.

U dhaqaaqista Adrien Rabiot ee Manchester United ayaa noqotay mid ka mid ah sheekooyinka ugu xiisaha badan suuqa kala iibsiga ee xagaaga, laakiin ma’ahan markii ugu horreysay ee 27-sano jirkaan khadka dhexe uu yimaado Magaalada Manchester.

Kaddib markii uu wacdaro ka dhigay kooxda da’yarta Creteil ee Faransiiska, Rabiot oo 13 jir ah ayay arkeen indho-indheeyeyaal, waxaana lagu martiqaaday inuu ku biiro kuliyadda dhalinyarada Manchester City sanadkii 2008.

Waxa uu u soo safray UK, isagoo ay la socdaan Hooyadiis iyo Wakiilkiisa, Veronique Rabiot, waxaana uu ku biiray Akadeemiyada Kooxda Manchester City oo uu maamulkeeda hayey Jim Cassell.

Si kastaba ha ahaatee, kaddib markii uu kooxda la qaatay kaliya lix bilood, isla markaana ay haysatay baahi guri la’aan ah, Rabiot ayaa ugu dambeyntii doortay inuu ka tago Magaalada Manchester si uu ugu laabto dalkiisa Faransiiska.

Isagoo goor dambe ka hadlayay arrintii ku qabsatay Man City, Rabiot ayaa bixiyey aragti ku saabsan wixii khaldamay intii uu joogay kooxdaas.

“Wax walba si fiican ayay u socdeen, laakiin lix bilood kaddib, kooxdu ma ixtiraamin heshiisyada qaarkood, sidaas darteed hooyaday waxay tiri  ‘Jooji’ waxaanan aadnay guriga,” ayuu yiri Rabiot sanadkii 2020.

Kaddib markii uu ku soo laabtay Faransiiska, waxa uu ku biiray kooxo badan oo maxalli ah ha hor inta uusan ku biirin da’yarta PSG sanadkii 2010, ugu dambeyntiina waxa uu ka mid noqday kooxda koowaad ee PSG.

Kaddib sagaal sano oo uu ku sugnaa caasimadda Faransiiska, Rabiot ayaa ku biiray Kooxda Juventus sanadkii 2019, intii lagu guda jiray waqtiga gaaban ee uu Macallin Maurizio Sarri kooxda hoggaaminayey.

Tan iyo markaas xiddiga heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa u saftay kooxda Marwada duqda ah in ka badan 100 kulan tartammada oo dhan.

Haatan Rabiot ayaa la filayaa inuu dhammaystiro heshiis ku kacaya 15 milyan oo gini oo uu ugu biirayo Kooxda Macallin Erik ten Hag ee Manchester United, iyadoo ay socdaan wadahadallo u dhexeeya kooxda iyo ciyaaryahanka hooyadiis Veronique si ay heshiiska shaqsiga ah isula meel dhigaan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close