Depay mise Aubameyang.. Yaa ka tagi doona Barcelona?

(Barcelona) 11 Agoosto 2022. Saraakiisha Barcelona ayaa sii wada inay ka shaqeeyaan sidii ay u go’aamin lahaayeen xiddigaha ka tagaya kooxda inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga ee xagaagan.

Suxufiga arrimaha suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo macalimiinta Yurub aadka wax uga qora laguna qadariyo ee Fabrizio Romano ayaa ku soo qoray boggiisa rasmiga ah ee Twitter-ka:

“Barcelona waxay qaban doontaa wareeg cusub oo wadahadal ah, maanta oo Khamiis ah, si ay uga wada hadlaan masiirka labada ciyaaryahan, Pierre-Emerick Aubameyang iyo Memphis Depay.”

“Chelsea waxa ay Barcelona kala hadlaysaa heshiiska Pierre-Emerick Aubameyang, halka Barca ay sugeyso dalabka rasmiga ah,halka Depay uu kala xaajoonayo kooxda reer Catalan si uu u soo afjaro qandaraaskiisa oo uu ugu wareego Juventus.”

Fabrizio Romano oo Khabiir ku ah suuqa kala iibsiga ayaa hadalkiisa ku soo xiray:

“Mas’uuliyiinta Barcelona waxa ay doonayaan in ay sii haystaan hal weeraryahan (Aubameyang ama Depay) inta lagu jiro xilli ciyaareedka cusub.”

Barcelona ayaa marka laga hadlaayo dhanka weerarka waxay la soo saxiixatay Robert Lewandowski iyo Raphinha, waxaana u dheer inay qandaraaska u cusbooneysiiyeen Ousmane Dembélé, iyo sidoo kale Ansu Fati oo ka soo kabsaday dhaawac.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close