Real Madrid oo ku guuleysatay koobka UEFA Super Cup kaddib markii ay garaacday kooxda Frankfurt

(Helsinki) 10 Agoosto 2022. Real Madrid ayaa ku guuleysatay koobka UEFA Super Cup kaddib markii ay ku garaacday kooxda Frankfurt 2-0, kaddib ciyaar aad u xiiso badan ee ku dhex martay garoonka Olympiastadion.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Real Madrid.

Daqiiqadii 37-aad kooxda Real Madrid ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 1-0 ka dhigay David Alaba kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Casemiro.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

65 daqiiqo marka ay dhesha mareysay Benzema oo caawin ay kaga timid saaxiibkiis V. Junior ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay Real Madrid,

Ugu dambeyntii Real Madrid ayaa loo caleemo saaray koobka UEFA Super Cup kaddib markii ay 2-0 ku garaacday kooxda reer Frankfurt, ciyaar aad u xiiso badan ee ku dhex martay garoonka Olympiastadion.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close