RASMI: Kooxda Real Madrid oo ku dhawaaqday diiwaanka xiddigaha uga qeyb-galaya kulanka UEFA Super Cup… (Yaa ku soo baxay?)

(Madrid) 09 Agoosto 2022. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa ku dhawaaday liiska xiddigaha uga qeybgalaya kulanka Final-ka ee UEFA Super Cup.

Kulankan oo habeen dambe 10:00 xilliga geeska Afrika ka qabsoomaya magaalada Helsinki ee Waddanka Finland ayay Los Blancos la ciyaari doontaa Eintracht Frankfurt.

Waxa uu kulankan UEFA Super Cup dhexmaraa kooxda ku soo guuleysatay Champions League iyo tan soo qaadday koobka UEFA Europa League.

Kooxda Jarmalka ka dhisan oo soo qaadday Europa League ayaana doonaysa inay garaacdo naadiga ku soo guuleystay UEFA Champions League.

Xiddiga uu shaaciyey Macallin Carlo Ancelotti ee uu kala qeyb-galayo UEFA Super Cup ayaa waxaa ku jira Benzema, Hazard & Tchouameni.

Haddaba halkaan hoose ka eeg diiwaanka xiddiga Real Madrid ee kulanka UEFA Super Cup oo dhammaystiran:-

Goolhayeyaasha: Courtois, Lunin, Luis Lopez.

Daafacyada: Carvajal, E. Militao, Alaba, Vallejo, Nacho, Odriozola, Rudiger, F. Mendy.

Khadka dhexe: Kroos, Modric, Casemiro, Valverde, Lucas V, Tchouameni, D. Ceballos, Camavinga.

Weerarka: Hazard, Benzema, Asensio, Vini JR, Rodrygo, Mariano.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close