Lionel Messi oo shaaciyey xilliga uu Kooxdiisa PSG farta ka saari doono go’aanka Mustaqbalkiisa

(Paris) 09 Agoosto 2022. Weeraryahanka PSG ee Lionel Messi ayaa la soo warinayaa xilliga uu go’aanka mustaqbalkiisa farta ka saari doono kooxda reer France, xilli la la xiriirinayo inuu Leo dib ugu laabto Barcelona.

Xilli ciyaareedkii labaad ayuu Lionel Messi la bilaabanayaa Kooxda Paris Saint-Germain, waxaana uu u sheegay xilliga uu ka fikiri doono go’aanka uu ka qaadanayo Mustaqbalkiisa.

Xiddiga xulka qaranka Argentine oo inta badan wakhtigiisa ciyaareed ku qaatay Barcelona ayaa kooxdaas isaga tagay sanadkii 2021, waxaana uu ka aaday dhanka naadiga reer France ee PSG.

Messi ayaa heshiiska uu sanad ka hor ugu biiray kooxda PSG waxa uu ku eg yahay dhammaadka xilli ciyaareedkan, balse waxaa jira qiyaar ah in sanad kale uu ku kordhin karo heshiiskiisa kooxda ka dhisan Faransiiska sanad saddexaad haddii la isku afgarto.

Lionel Messi ayaa u sheegay Paris inuu ka fikiri doono oo go’aamin doono mustaqbalkiisa kaddib koobka adduunka, sida uu warinayo Suxufiga dhanka ciyaaraha ka faallooda ee Ben Jacobs.

Madaxweynaha Barcelona & Macallinka kooxdaas ee Joan Laporta iyo Xavi Hernandez ayaa labaduba horay u sheegay inay doonayaan inay garoonka Camp Nou dib ugu soo celiyaan Lionel Messi.

Inkastoo si weyn loo hadal hayo soo laabashada Messi ee Barcelona haddana ma noqon doonto mid fudud, maadaama kooxda reer Spain ay weli dhexda kaga jirto xaalad dhaqaale xumo, waxaana ay u baahan yihiin inay hoos u dhigaan 40% mushaharka ay bixiso haddiiba ay doonayaan inay dib u soo ceshadaan ciyaaryahankoodii hore.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close