Kooxda Paris Saint-Germain oo Chelsea kula soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa Wesley Fofana

(Paris) 09 Agoosto 2022. Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa ku soo biiray tartanka loogu jiro saxiixa Wesley Fofana.

Kooxda Chelsea ayaa la soo warinayaa inay markaan godkeeda biyo ugu soo galeen kaddib markii ciyaaryahankii ay doonaysay saxiixiisa ee Wesley Fofana ay kula soo biirtay naadiga reer France ee PSG.

Wargeyska Le Parisien ee ka soo baxa Faransiiska ayaa warinaya in tartanka loogu jiro saxiixa ciyaaryahanka kooxda Leicester City ee Wesley Fofana ay doonistiisa Paris Saint-Germain kula biirtay Chelsea.

Kooxda Leicester City ayaa horay u diidday labo dalab oo kaga yimid Blues oo ay ku doonaysa Fofana, waxaa midka labaad uu ahaa 70 milyan oo gini.

Si kastaba ha ahaatee, dalab ku dhow 85 milyan oo gini oo ay Chelsea gudbiso ayaa ka dhigi kara Foxes inay beddelaan mowqifkooda, inkastoo haatanna ay PSG tartanka dhexda ka soo gashay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close