“Sanadkii ugu horreeyey ee Cristiano yimid Real Madrid anigu waxaan dhaliyey 27 gool, isaguna waxa uu dhaliyey 26 gool” –

(Madrid) 08 Agoosto 2022.  Gonzalo Higuain ayaa dib u xasuustay wakhtigii uu Cristiano Ronaldo markii ugu horraysay yimid Kooxda Real Madrid iyo sidii uu uga hormaray.

Nolosha ciyaartoyda kubadda cagta had iyo jeer waxay leedahay sare u kac iyo hoos u dhac, waxayna imaan karaan wakhti kasta oo xirfaddooda ah.

“Waxaan la ciyaaray labadii ciyaaryahan ee ugu fiicnaa sanadihii ugu dambeeyay, ma garanayo kuwii ugu fiicnaa taariikhda iyo labo ka mid ah goolhayeyaashii ugu fiicnaa taariikhda ee Buffon iyo Casillas, waxaan toddobo sano ka mid ahaa kooxda ugu fiican taariikhda.

“Waxaan dhaliyey in ka badan 100 gool, waxaan ku guuleystay 15 koob, waxaan ahay xiddiga labaad ee Argentine kulammada ugu badan u ciyaaray Madrid.

“Sanadkii ugu horreeyey ee Cristiano yimid Madrid anigu waxaan dhaliyey 27 gool, isaguna waxa uu dhaliyey 26 gool, waxa uu dhaliyey 50 gool sanadkii, sidee ku dhalin kartaa 50!” ayuu Weeraryahankan u sheegay Wargeyska.

Gonzalo Higuaín ayaa u soo ciyaaray kooxaha Real Madrid, Napoli & Milan, waxaana uu haatan ka tirsan yahay kooxda Miami ee dalka Mareykanka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close