Ryan Giggs oo gaaray magaaladda Manchester si uu u wajaho dacwad lagu soo oogay

(Manchester) 08 Agoosto 2022. Xiddigii hore ee Man United Ryan Giggs ayaa lagu waddaa in maanta oo isniin ah maxkamad la soo taago, kaddib markii lagu soo oogay dacwad ku saabsan in uu si xun ula dhaqmay gabar ay saaxiibbo ahaayeen.

Ryan Giggs, oo 48-sanno jir ah ayaa lagu eedeeyay inuu weeraray Kate Greville oo 36-sanno jir ah, kaddib markii uu ugaystay dhaawac jirreed falkaan ayaana ka dhacay gurigiisa oo ku yaal Worsley Greater Manchester 1-diii November, 2020.

Giggs ayaa sidoo kale lagu soo oogay dacwad ah in uu isticmaalay hab dhaqan qasab ah oo uu kula kacay saaxiibtiisii ​​horre intii u dhaxaysay August 2017 iyo November 2020. Maxkamadeyntiisa ayaa la filayaa in ay qaadato illaa 10 maalmood.

Giggs ayaa dafiray dhammaan eedeymaha loo soo jeediyay, xilli uu iska casilay xilka tababaranimo ee xulka qaranka Wales isaga oo sheegay in aanu doonayn in uu khatar geliyo diyaar garowga ay wales ugu jirto koobka adduunka ee ka dhacaya dhammaadka sanadkan dalka qatar.

Markii horre waxaa loo qorsheeyay in uu wajaho maxkamad bishii Janaayo, laakiin kiiska ayaa dib Loo dhigay waxaana lasheegay in Xilligaas masiibada COVID-19 ay dhibaato faro-ba’an kuheysay DOWLADDA UK.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close