Maguire oo farriin u diray kooxdiisa Manchester United kaddib guuldarradii Brighton

(Manchester) 08 Agoosto 2022. Daafaca kooxda Manchester United ee Harry Maguire ayaa uga digay Red Devils guuldarooyinka soo noqnoqda ee horyaalka Premier League.

Manchester United iyo Macallinkeeda Erik Ten Hag ayaa waji gabax ku furtay horyaalka Premier League xilli ciyareedkiisa cusub ee 2022/23, kaddib markii lagu garaacay garoonkooda Old Trafford, ciyaar ku dhammaatay 2-1.

Sida laga soo xigtay shabakada Sky Sports, Harry Maguire ayaa ciyaarta kaddib fariin digniin ah u diray kooxdiisa Manchester United, wuxuuna yiri:

“Guuldarada waa wax aan u baahanahay inaan wax ka qabanno ama way sii socon doontaa inay dhacdo.”

“Goolkii ugu horeeyay ee Brighton waxa uu u muuqday dharbaaxo wayn oo dhamaan ciyaartoydeena ah.”

“Manchester United waxay u baahan tahay inay la tacaasho guuldarada.”

“Waa wax aad u fiican in aan ku haysano Lisandro Martínez Man United, waxaan tartan ugu jirnaa xarunta dhexe ee difaaca.”

“Qof walba waa uu garanayaa ujeedka, xilli ciyaareedkii hore wuxuu inoo ahaa mid xun, waxaan heysanaa tababare cusub oo isku dayaya inuu falsafadiisa kooxda dhex dhigo.”

“Laakiin marka aynaan si sax ah u fahmin falsafada tababaraha, difaaceena wuxuu noqon doonaa mid furan.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close