Lionel Messi oo si toos ah loo weydiiyey inuu ku soo laabanayo Kooxda Barcelona… (Muxuu ku jawaabay?)

(Barcelona) 08 Agoosto 2022. Lionel Messi ayaa si toos ah loo weydiiyey inuu dib ugu soo laaban doono kooxdii uu inta badan waqtigiisa ciyaareed u ciyaaray ee Barcelona, balse waa uu ka gaabsaday.

Waxaa la isla dhexmarayaa inuu dib ugu soo laaban doono Camp Nou Weeraryahanka PSG ee Lionel Messi, balse xiddiga reer Argentine ayaa iska diiday inuu ka jawaabo su’aashaas.

Lionel Messi ayaa diiday inuu ka jawaabo su’aashaas toos ah oo ku saabsanayd inay suurogal tahay inuu dib ugu soo laabto Kooxda Barcelona kaddib markii uu yimid magaalada Barcelona.

Xiddiga reer Argentine ayaa dib ugu soo laabtay dalka Spain, waxaana lagu wareystay garoonka diyaarahada ka hor inta uusan gaarigiisa raacin.

Macallin Xavi iyo Madaxweyne Laporta ayaa labaduba horay uga hadlay dib ugu soo laabashada Barcelona ee Lionel Messi, laakiin waxa ay qireen inaysan suurogal ahayn inuu xagaagan yimaado, balse ay Messi sugi doonaan inta uu dhacayo qandaraaskiisa dhammaadka xilli ciyaareedka.

Messi ayaa ku biiray PSG xagaagii la soo dhaafay kaddib markii uu ka soo tagay Barcelona oo cusboonaysiin weysay qandaraaskiisii Camp Nou, laakiin haatan waxa uu dib ugu soo laabtay Magaalada Barcelona oo uu inta ugu badan noloshiisa ku soo qaatay, waxaana garoonka diyaaradaha lagu weydiiyey su’aal ahayn inuu dib ugu soo laabanayo kooxda Barca.

Leo ayaa iska dhego-tiray oo iska dhaqaaqay ka hor inta aanu gaarigiisa ka raacin bannaanka garoonka diyaaradaha ee Magaalada Barcelona.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close