Kooxda Real Madrid oo xaqiijisay qorshaheeda Final-ka UEFA Super Cup

(Madrid) 08 Agoosto 2022. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa xilli ciyareedkeeda 2022/23 ku bilaabanaysa kulanka Final-ka UEFA Cup oo ay la ciyaari doonto Eintracht Frankfurt.

Los Blancos ayaa ku wajahan Waddanka Finland si ay ugu soo ciyaarto kulanka xilli ciyaareedka Yurub ee sanadlaha ah, iyadoo kooxda Tababare Carlo Ancelotti ee ku guuleysatay tartanka Champions League ay la ciyaari doonto kooxda haysata Europa League ee Frankfurt.

Kooxda Macallin Ancelotti ayaa soo martay xilliyo isku dhafan, iyagoo hal guul ka helay saddexdii kulan ee ay booqdeen dalka Mareykanka ee isdiyaarinta xilli ciyaareedka cusub, ka hor inta aan la bilaabin horyaalka La Ligaha Spain isbuuca soo socda.

Kulanka UEFA Super Cup ayaa ka dhici doonta 10-ka bishan Agoosto garoonka Helsinki’s Olympic Stadium iyadoo ay soo xaadiri doonaan dad kooban, kooxda Real Madrid ayaana haatan shaacisay qorshaheeda ka hor inta aan la baasan kulankaas.

Sida uu warinayo Warsidaha Diario AS, kooxda Real Madrid ayaa tagi doonta dalka Finland 9-ka bisha Agoosto oo ah maalin ka hor inta aan la ciyaarin kulanka final-ka ah, isla markaana ay degi doonaan Hoteelka Hilton Helsinki Strand oo ku dhow halka uu kulanku ka dhacayo.

Kooxda Real Madrid ayaa bilaabi doonta waddada dheer ee ay ku doonayaan inay ku qaadaan lix koob xilli ciyaareedka cusub ee 2022/23, waxaana ay habeen ka hor kulanka Final-ka UEFA Super Cup ay ku tababaran doonaan garoon dhex-dhexaad ah sida uu dhigayo sharciga UEFA.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close