“Haaland wuxuu i xasuusiyay Messi” – Guardiola

(Manchester) 08 Agoosto 2022. Tababaraha Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ammaanay weeraryahankiisa cusub ee Erling Haaland, kaddib guushii ay ka gaareen West Ham United.

Man City ayaa saddexda dhibcood ka heshay kooxda West Ham United, kulankeeda ugu horreeyey Premier League xilli ciyaareedka cusub 2022-23, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-2, kulan xiiso badan oo ka dhacay garoonka London Stadium.

Erling Haaland ayaa kaddib marka ay ciyaarta dhammaatay wuxuu la hadlay warbaahintam wuxuuna sheegay inay ahayd inuu dhaliyo gool saddexaad kaddib 2 gool uu dhaliyay

Haddaba Pep Guardiola ayaa hadalka Haaland kaddib sheegay inuu soo xasuusiyay xiddiga reer Argantina ee Lionel Messi, isaga oo tilmaamay in Erling uusan qancacsaneyn haddii uusan kooxda u dhalinin goolal badan.

Guardiola oo la hadlayay warbaahinta ayaa wuxuu yiri:

“Waan jeclahay, nasiib ayaan u lahaa tababare ahaan inaan la joogo Messi, haddii uu labo gool dhaliyo, wuxuu doonayaa seddex, haddii uu seddex gool dhaliyo wuxuu doonayaa afar. afar haduu helo, shan ayuu rabaa, marna kuma qanacsaneyn gooldhaliyaasha waaweyn iyo weeraryahanada, had iyo jeer waa gaajo.”

Markii qalad lagu galay Haaland oo garsooraha uu rigoore ku abaalmariyay City, weeraryahanka reer Norway ayaa isla markiiba la wareegay kubad si uu u tuuro Guardiola ayaana yiri:

“Waxaan u maleynayaa haddii uu qof kale qaadan lahaa kubadan, Haaland wejiga ayuu feer kaga dhufan lahaa, waan hubaa inay taasi calaamad wanaagsan tahay.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close